Itoobiya

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Itoobiya
Federal Democratic Republic of Ethiopia
Calanka Itoobiya Astaannta Qaranka ee Itoobiya
Calan Astaannta Qaranka
Qaarada Afrika
Astaanta Calanka
Wodefit Gesgeshi, Widd Innat Ityopp'ya
Location of Itoobiya
Caasimada Addis Abeba
Luuqada(ha) Looga hadlo Amxaari
soomaali
Af-oromo
af Tigreey
 -  Madaxweyne Sahle-Work Zewde
 -  Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed,
Area
 -  Total 637,661 km² 
246,201 sq mi 
 -  Biyo (%) 7.8%
Cadadka Dadka
 -  2015 qiyaas 102,474,625 
Lacagta Birr
Wakhtiga EAT 

Itoobiya (/iˈpiə/; , ʾĪtyōṗṗyā, ku saabsan galkaan dhageyso codka) sida rasmiga ah loo yaqaanno Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, waa wadan ku yaal Geeska Afrika, waxa uuna xuduud la leeyahay wadamada Jabuuti, Suudaan, Ereteriya, Soomaaliya iyo Kiinya. Caasimada Itoobiya waa Addis Abeba. Wakhtiga gumeysiga, dagaal badan baa udhaxeeyey dawladda Darwiish ee abaanduul guud ka ahaa Ismaaciil Mire iyo Menelik II.

Itoobiya waa wadan weyn oo bad laheen, waxa uu leeyahay 4 wabi oo waaweyn kuwaas oo kala ah:- wabiga Niil, omo, Awash, iyo Wabiga Shabeelle. Itoobiya markeeda hore waxaa la dhihi jiray (Abessinia), laakiin waxaa lagu bedelay itoobiya, oo micnaheedu yahay (mugdi ama waji gubtay). Waayadii hore madaxdii gariis iyo Roman. waxee la shaqeen jireen madaxda itoobiyaanka.

Juquraafi

Itoobiya
Boqortii itooiyaanka Gurigoodii
mid ka mid ah, boqortii itoobiya

Itoobiya waxee ku taalaa Geeska afrika, waxeena xuduud la leedahay, wadamada, Eratareya, Jabuuti, Soomaaliya, Kiinya iyo Suudaan. Itoobiya waxaa dhaxmaro, wabiga ween ee looyaqaan Wabiga Niil. Itoobiya waxaa ka baxo Bun iyo qamadi. Eratareya sida ee uga go'day itoobiya wax xeeb ah badda kumalahan.

Jawiga

Saldanada Huwan - Huwan Sultanate.png

Itoobiya waa dhul cagaaran laakiin waqooyiga itoobiya aad ayee u kulushahay, roob badan maka dao. Xili yaasha oo roobka ka dao itoobiya waxaa ka mid ah, bisha maarso iyo abriil, oo roob aad u yar ka dao, juun ilaa Sebteembar neh, waxaa ka dao roob xoogaa ween. Waqooyiga itoobiya waa meel qaleel ah, meelo badan oo ka mid ah neh waxaa lagu magacaabay, meesha aduunka uugu kulul. Gobalka somaalidu waa gobalka 2 aad ee ugu wayn dalka ethiopia marka laga reebo gobalka oromia. Waana qowmiyada 3 aad somalidu ee ugu badan dalka ethipoa. 1 oromada. 2 Amharada. 3 Somaalida. 4 Tigrey.

shacabka

Wadanka itoobiya, . Waxaa u badan Oromo 40 % iyo Amxaaro 25 % Soomaalinta waa 20% Kuwa kale oo 6 % ah waa Tigrayga.

Luqadaha

Dadka degen wadanka Itoobiya waxee ku hadlaan luqado gaaraayo 70 ilaa 80 luqadood oo kamidtahay afka soomaaliga.

Luqada ugu ween oo lagu wada hadlo waa Amxaari.

Misaajid ku yaalo, magaalada Haraar

Diimaha laga caabudo

Waa meel kaniisad ah, waxee addis ababa u jirt 640 km.
Kaniidaha waaween, oo ku yaalo itoobiya
Misaajid ku yaalo, magaalada Haraar

Itoobiya waxaa laga caabudaa diimo aad u badan. 45% waa krishtaan, 51% neh, waa Muslimiin. 3,2 % neh waa diimo kale, oo laga caabudo.

Kalandar

Itoobiya waxee leedahay, kalandar u gooni ah. Sanadkooda waa 13 bilood, 11 Sebteembar waa maalinta uugu horeeyso sanadka. 12 sebteembar waa maalinta labaad markii oo buleerka la riday. Kalanderka itoobiya, waxoo raacsanyahay, waqtigii oo nabi ciise, dhashtay kadib. 8 sano ee ka danbeeyaan kalanderka wadamada galbeedka. ayaga marka ee sanadkooda cusub 2003 ee soo dhaweenaayaan, wadamada galbeedka waxee u tahay 11 sebteembar 2010.

Dhaqaale

Itoobiya waxee ku dadaaloosa kordhinta dhaqaaloheeda, waxeena sanadihii nasoo dhaafay noqotay wadanka kaliya ee qaarada afrika oo wax saliid ah ku xirneen oo dhaqaalohiisa kor u kacay. Dhinaca kale siyaasiinta itoobiya ma ku dadaalaan horumarinta bulshada ku nool dalka itoobiya. Wadanka itoobiya waxaa ka jirto abaar aad u badan, waana wadan beero iyo wabiyaal badan leh. Dadka ku nool itoobiya 100kiiba 80 waa reer baadiye. Marka aa fiirino gobolka soomaali galbeed kaliya, run ahaantii gobolkaan waa gobol ismaamulo, oo wax caawin ah ka helin siyaasiinta itoobiya, waxaana ka jiro dagaal. Waxaa u maleenaa dhaqaalaha gobolkaan in ee ku tiirsantahay dalka soomaaliya, sababto ah, waxyaabaha laga gado dalka soomaaliya, wee ka raqiisanyihiin kuwa itoobiyaanka.

Cafimaad

Wadanka itoobiya wuxuu ka mid yahay wadamada Afrika cudarka HIV AIDS-ka saamayn aad u weyn ku yeeshay

Taariikh

Geeska Africa intee dhacdaaa Itobiya Fascinating Ethiopia]