Oakland, Kaliforniya

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Owkland, Kaliforniya, Maraykanka.
Boga "Oakland" iyo "Owkland" halka ayaa laga soo toosiyay.
Owkland, Kalifornia
Caasimada Owkland
OAKLAND, CA, USA - Skyline and Bridge.JPG
Dabaqyada dhaadheer ee Oakland, taasi oo ka muuqato dhismayaasha gaboobay ee xiga bariga Buundada u dhexeysa gacanka San Fransisko iyo Owkland
Flag of Oakland, California.svg
Flag
Seal of Oakland, California.png
Seal
Nickname(s): 
"magaalada Oak", "Magaalo", "Caasimada Bump" (magac aan caan ahayn)[2]
Alameda County California Incorporated and Unincorporated areas Oakland Highlighted.svg
Meesha kaga taalo Degmada Alameda iyo gobolka Kalifornia
Wadan  United States
Gobol Kalifornia
Degmo Degmada Alameda
Deegaan Gacanka San Fransisko
Dowlad hoose May 4, 1852[3]
Dowlada
 • Nuuca Golaha Duqa-magaalada[4]
 • Duqa-magaalada Libby Schaaf[5]
 • Golaha Wakiilada Loni Hancock (Xisbiga Dimuqraadiga)[6]
 • Golaha Deegaanka Tony Thurmond
Rob Bonta[7]
 • Wakiilada Dhexe Barbara Lee[8]
Bedka
 • Dhammaan 78.002 sq mi (202.024 km2)
 • Land 55.786 sq mi (144.485 km2)
 • Water 22.216 sq mi (57.54 km2)  28.48%
Joogga 43 ft (13 m)
Tirada dadka
 • Dhammaan 390,724
 • Estimate 
(2014)[12]
413,775
 • Rank 1aad degmada Alameda
8aad gobolka Kalifornia
45aad wadanka Maraykanka
 • Cufnaanta dadka 7,417/sq mi (2,864/km2)
Magac kale Oaklander
Aag saacadeed UTC−8 (Pacific)
 • Xagaa (DST) UTC−7 (PDT)
ZIP kodh
94601–94615, 94617–94624, 94649, 94659–94662, 94666[13]
Area code Area code 510
Calaamada FIPS Astaanta FIPS 53000
Muuqaalka GNIS 277566, 2411292
Website www.oaklandnet.com

Owkland, Oakland /lənd/ waa magaalo iyo caasimad weyn oo ku taala Xeebta Galbeed ee Maraykanka, iyo caasimada dekada gobolka Kalifornia. Dekeda Caasimada Owkland waa mida ugu mashquulka badan dekedaha Gacanka San Fransisko iyo dhamaan dekedaha Waqooyiga Kalifornia. Intaasi waxa dheer, caasimada Owkland waa magaalada ugu baaxada weyn Gacanka San Fransisko, waa caasimada sideedaad ee ugu shacabka badan gobolka Kaliforniya, iyo mida 45aad ee ugu bulshada badan wadanka Maraykanka, taasi oo leh dad dhan 413,775 qof (sida lagu sheegay tirokoob ay samaysay dowlada dhexe Maraykanka sanadkii 2014ka).

Caasimada Owkland waxaa dowlada hoose loo sameeyay sanadkii 1852, goortaasi oo lagu daray Degmada Alameda. Owkland waa xarun isku xidha socodka ganacsiga waana rugta wax iibsiga ee gobolkaasi. Waxaa sidoo kale ay Owkland tahay magaalada ugu xigta Gacanka San Fransisko xaga Badweynta Baasifikga, taasi waa sababta loogu bixiyey "Gacanka Bari". Caasimadani waxay dhacdaa agagaarka gacankaasi, taasi oo u jirta kaliya lix mayl (9.7 km) caasimada San Fransisko.

Deegaanka Caasimada Owkland wuxuu dhacaa dhul xeebeed leh geedaha Oak iyo dhirta gaagaaban ee lagu magacaabo scrub. Dhulka magaaladu ku fadhido waa mid leh caro aad u nafaqo badan oo dhinaca ku haya buuro yaryar oo gaaban. Magaalada Oakland waxay magaca ka keentay waa geedka caanka ku ah deegaanka ee Oak. Waxaanay caasimadan iyo nawaaxigeedu caan u yihiin waxbeerashada iyo falida dalaga noocyadiisa kala gedisan.

Mid ka mida xarumaha shirkada Chevrolet ee la aasasay 1917kii

Dhamaadkii sanadihii 1860kii ayaa Owkland loo doortay in deegaan shacab lagu beero laga dhigo, goortaasi oo la so mariyay wado tareenka Transkontinental oo aad uga caawisay koritaanka iyo camirida deegaanka. Waxay caasimadu aad u kortay horaantii qarnigii labaatanaad goortaasi oo laga sameeyay wershado wax soo saar iyo kuwo moorgareeya khudaarta iyo dhirta deegaanka ka baxdey. Sidoo kale waxaa wakhtiyadani aad u horumaray dhistaanka maraakiibta waaweyn ee loogu talo-galay ineey qaarad ilaa qaarad xamuul iyo alaab u qaadaan. Iyadna waxaa xusid mudan, Dhulgariirkii San Fransisko ee sanadkii 1906dii inuu keenay in bulsho badan ka guurto magaaladaasi kuwaasi oo soo degay isla markaana camirey, aqalo cusub iyo meherado keenay caasimad Owkland.

Deegaanada astaanta magaalada oo la dhisay 1924

Waxaan meesha ka maqneyn iyadna tirada qaxooti iyo muhaajiriin ah ee soo dagay caasimada, kuwaasi oo iskugu jira kuwa ka soo guurey gobolo kale oo isla wadanka Maraykanka ah iyo dibadiisaba. Dadka Madoow (Afrikan Ameerikan) ayaa noqdey kuwo si isdaba joog ah ugu soo guura caasimada Owkaland.

Guud ahaan, Caasimada Owkland waxaa ku taala deked aad u mashquul badan oo shaqada ka socoto badan tahay. Dekeda Owkaland waa tan shanaad ee ugu shaqada badan wadanka Maraykanka. Xaga cimilada caasimadu waa mid degan oo lagu sheego "Cimilada Miditereeniyaanka" sababtoo ah waxay caasimadu qorax aragtaa 260 maalmood sanad kasta. Harta Merritt oo ku taala farasmagaalaha Owkland waa midii ugu horeeysay ee dowlada wadanka Maraykanku u qorsheeyeen in ay noqoto xero amaan nolosha xayawaanka duurjoogta ah. Meelaha ugu caansan magaalda waxaa ka mid ah biyoleeyda Owkland, oo ah mid ka mida meelaha soo jiida dalxiisayaasha yimaada magaalada.



Muuqaalka Owkland[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Muuqaalka Caasimada Owkland
Farasmagaalka Caasimada Owkland

Magaalooyinka Maraykanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Magaalooyinka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. (PDF). City of Oakland Office of the City Attorney. May 2002 http://www.oaklandcityattorney.org/PDFS/city_b_day_may_2002.pdf. Soo qaatay March 19, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. . Museumca.org http://museumca.org/theoaklandstandard/bump-city. Soo qaatay 2013-07-08.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. "Nuqul Archive". California Association of Local Agency Formation Commissions. Waxaa laga kaydiyay the original (Word) Bisha Tobnaad 17, 2013. Soo qaatay March 27, 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  4. . City of Oakland, California http://www2.oaklandnet.com/Government/o/ElectedOfficials/index.htm. Soo qaatay January 31, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. . City of Oakland, California http://www2.oaklandnet.com/Government/o/Mayor/index.htm. Soo qaatay January 8, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. . State of California http://senate.ca.gov/senators. Soo qaatay March 18, 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  7. . State of California http://assembly.ca.gov/assemblymembers. Soo qaatay March 18, 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  8. Template:Cite GovTrack
  9. US Gazetteer|2010|places|CA
  10. GNIS Oakland
  11. "Nuqul Archive". United States Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original August 25, 2012. Soo qaatay April 7, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  12. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named USCensusEst2014
  13. . United States Postal Service https://tools.usps.com/go/ZipLookupAction!input.action. Soo qaatay November 7, 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)