WordPress.org

Soomaaliya

Bilaabaya

Galka naqshadda WordPress waxaa adeegsada malaayiin adeegsade WordPress ah oo dhammaan daafaha adduunka kale jooga. Naqshadaha ku jira galka waxay diyaar u yihiin in laga soo dejiyo WordPress.org, adeegsadayaasha WordPress-na waxay sidoo kale si toos ah uga rakibi kara shaashadaha maamulkooda.

Adigoo ku martigelinaya naqshaddaada WordPress.org, waxaad heli:

Hadafka galka naqshaddu ma aha in la martigeliyo naqshad kasta oo adduunka ka jira, waa in la martigeliyo naqshadaha WordPress ee il-furanka ugu wanaagsan ah. Naqshadaha lagu martigeliyay WordPress.org waxay gudbiyaan isla xorriyadaha adeegsadaha sida WordPress laftiisa; taas macnaheedu waa inay yihiin 100% GPL ama la jaanqaadi karaan.

Tilmaamaha & Ilaha

Si loo hubiyo in adeegsadayaasha WordPress loo dammaanad qaaday waayo-aragnimo wanaagsan, naqshad kasta oo ku jirta galka waxaa dibu-eegay kooxda dibu-eegista naqshadda. Fadlan dibu-eeg tilmaamaha kahor intaanad rarsaarin naqshaddaada.

Naqshadaha ka imanaya baraha taageera naqshada aan ahayn GPL (ama ku habboon) ama aan la kulmin tilmaamaha dibu-eegista naqshadda lama ansixin doono.

Naqshaddaada waxaa dib loogu eegi doonaa iyada oo la adeegsanayo Qeybta Tijaabinta Xogta Naqshadda.

Waxaad ka heli kartaa ilo dheeraad ah oo loogu talagalay horumariyayaasha naqshadda Buug-gacmeedka Horumariyaha Naqshadda.

Su'aalaha ku saabsan horumarinta naqshadda fadlan isticmaal Madasha Naqshadaha iyo Habyaalada.

Rarsaar Naqshaddaada