Si aad WordPress u adeegsatid waxaad u baahantahay laba waxyaalood:
Waa intaas keliya. Waxaan kugula talin in adeegtaraha (server) host-gu ahaado Apache ama Nginx maadaama ay yihiin labada adeegtare (server) ee ugu fudud in WordPress lagu dul wado, laakiin waxaad adeegsan kartaa server walba oo PHP MySQL ku shaqayn karaan. Tasoo jirta, ogsoonoow in aysan suurto gal ahayn in aannu barnaamijkaan ku tijaabinnay server walba.
Waydii Host-gaaga
Haddii aad rabtid inaad ogaatid qalabka host-gaagu adeegsanayaan, u dir email. Hoos ka eeg qoraalka emailka aad u diraysid oo Ingiriis ah; Koobiso!
I’m interested in running the open-source WordPress https://wordpress.org/ blogging software and I was wondering if my account supported the following:
- PHP 4.3 or greater
- MySQL 4.1.2 or greater
- The mod_rewrite Apache module
Thanks!
Haddii aad host-ga ka dalban shirkad Soomaali ah, sidaan ugu qor:
Waxaan danayn in aan adeegsado barnaamijka isha-furan (open source) ee WordPress – https://wordpress.org/ waxaanna is weydiinayey in akoonkaygu aqoonsanyahay barnaamijyadaan:
- PHP 4.3 ama ka wayn
- MySQL 4.1.2 ama ka wayn
- Module-ka mod_rewrite ee web server-ka Apache
Mahadsanid!
Shardi ma ahan, laakiin
Waa in host-gaagu ay leeyihiin barnaamijyo lagu xoojiyo ammaanka website-yada.